Haweeney kashiftay arrin sir u ahayd iyada iyo bilyaneerka caanka ah

Xubin hore oo ka tirsaneyd guddiga OpenAI ayaa sharraxday sida xiriirkeeda gaarka ah ee aan caadiga ahayn ee ay la lahayd Elon Musk uu ugu dambayn u noqday inay u dhasho afar carruur ah.

Shivon Zilis ayaa saacado badan ka marag furtay maxkamad federaal ah oo ku taalla Oakland, California Arbacadii, taas oo qayb ka ahayd dacwad uu Musk ku doonayo inuu dib uga noqdo isbeddelka OpenAI ee ku aaddan noqoshada shirkad faa’iido-doon ah.

Ujeeddada in Zilis ay kasoo muuqato dacwadda marag-furka waxay ahayd doorkeeda tooska ah ee wada-hadalladii hore ee ay la lahayd Musk ee ku saabsanaa in shirkaddu noqoto mid faa’iido-doon ah, iyo sidoo kale sida ay ula shaqeysay Musk isla markaana ay xiriir ula yeelatay intii ay talo bixin siinaysay OpenAI.

“Weli si dhab ah ayaan u doonayay inaan noqdo hooyo, Elon-na wuxuu ii soo bandhigay arrintaas waqtigaas, aniguna waan aqbalay,” ayay tiri, iyadoo sharraxaysa in Musk sannadkii 2020 uu u soo bandhigay inuu ugu deeqo shahwo.

“Wuxuu dadka ku xeeran dhammaantood ku dhiirrigelinayay xilligaas inay carruur dhalaan, wuxuuna ogaaday inaanan anigu lahayn carruur. Wuxuu ii soo bandhigay inuu deeq bixiyo,” ayay Zilis tiri.