Sirdoonka Maraykanka oo xog hor leh ka sheegay Iiraan
Iyada oo ay socdaan dadaalada lagu dhammayo dagaalka u dhaxeeya Maraykanka iyo Iiraan, waxaa weli socda iskudhacyda aan ballaarnayn ee labada dhinac. Waxayna ahayd tii ugu dambaysay ee ay rasaasta isku weydaarsadeen marinka Hormuz Jimcihii.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in cunaqabataynada saaran Tehran ay tahay mid daciifin doonta Maraykanka.
Laanta sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa iyaga oo taxliilinaya arrintan sheegay in Tehran ay weli awood u leedahay inay sii adkaysato muddo bilooyin ah cunaqabaynada ciidamada badda ee saaran dalkaasi.
Waxa ay CIA falanqaysay in saamaynta dhaqaale ee ka dhalanaysa xanibaadyada Maraykanka aysan wax u gaysanayn Iiraan afarta bilood ee soo socota. Sarkaal Maraykanka oo xaaladan la socda ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in labada dhinac ay muujinayaan doonitaan joojinta dagaalka ah, cadaadiska Maraykanka ee Iiraan waa mid xadidan.
Sarkaal kale oo sare oo ka tirsan CIA ayaa isagan ku tilmaamay taxliilinta CIA ”Been”. Waxa uu sheegay in cunaqabataynta Iiraan ay ku salaysan tahay in ”leedahay saamayn dhab ah ayna sababtay hoos u dhac dhab ah oo ku yimid – saamaynta ganacsiga, hoos u dhaca dakhliga iyo guul daro dhaqaale oo xoog u socota”
BbcSomali





