๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐๐š๐ฒ ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐š๐ซ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐ž๐ž ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐จ๐จ๐ ๐ž

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirro iyo xubno sare oo ka tirsan Xukuumadda ayaa Maalinta Qaran ee Iskaalmaysiga Shacabka JSL (10-ka May) awgeed booqasho ku tagay Xarunta Daryeelka Carruurta Qaranka ee Maxamed Mooge.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo munaasibadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Maalinta Iskaalmaysiga Qaranku ay tahay maalin aynu dib u milicsanayno Qiyamka iyo Qalbiyada naxariista leh ee ay ku dhisan tahay bulshadeenu, kuwaasi oo ah walaaltinimo, isu naxariisasho iyo is-garab taagga dadkeenna nugul.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu xusay in Maalinta Iskaalmaysiga Qaranka ee10-ka May ay sannadkan Xukuumaddu soo booqatay Xarunta Daryeelka Carruurta Qaranka ee Maxamed Mooge si loogu muujiyo in Carruurta Qaranku aanay keli ku ahayn duruufaha nololeed ee haysta balse ay leeyihiin Qaran iyo Shacab garab taagan.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Carruurta Qaranka ee Xarunta Maxamed Mooge u xaqiijiyey in ay yihiin ubadkii, ubaxii iyo aayihii Qaranka JSL, Xukuumaddana uu waajib ka saaran yahay daryeelkooda iyo taabbo-,gelintooda.

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu si mug leh u bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Dawladda Hoose oo uu Mayor-ku hormuud u yahay, hawl-wadeennada gacanta ku haya Xarunta oo dedaal badan geliyey sidii ay Carruurta Qaranku u heli lahaayeen daryeel, dhaqan-celin, waxbarasho iyo mustaqbal nololeed.

Munaasibadda waxa iyaguna hadallo kooban ka jeediyey Mayor-ka Caasimadda, Gudoomiyaha Golaha M/Jeex, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Caddaaladda, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada,

Ugu dambayn, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha waxa uu Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland gudaha iyo dibeddaba, ganacsatada iyo dadka muxsiniinta ah ugu baaqay in ay Maalinta Iskaalmaysiga Qaranka ee 10-ka May si weyn uga qayb qaataan, isla markaana ay sii xoojiyaan dhaqanka iskaalmaysiga iyo isu gargaaridda, gaar ahaan xilliyada ay jiraan duruufaha nololeed iyo baahiyaha bulshada.