SOMALILAND OO SI SII KORDHAYSA UGA HELAYSA FIIRO GAAR AH WASHINGTON & FILASHOOYINKA AQOONSIGA EE DONALD TRUMP.

Waxa qorey; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil

Geesta Afrika waxay noqotay mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan siyaasadda iyo istiraatiijiyadda caalamka, sababtoo ah waxay ku taallaa marin-badeedka muhiimka ah ee:

• Badda Cas
• Gacanka Berbera
• Marin-badeedka Bab el-Mandeb

Isbeddellada amni, dagaallada Bariga Dhexe, loollanka quwadaha waaweyn, iyo tartanka dhaqaale ee dunida ayaa sare u qaaday muhiimadda gobolka.

Gudaha xaaladdan cusub, Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn uga dhex muuqanaysaa doodaha siyaasadeed iyo istiraatiijiyadda ee Washington, gaar ahaan:

• Xasiloonideeda
• Dimuqraadiyaddeeda
• Dekedda Berbera
• Goobta juqraafiyadeed ee istiraatiijiga ah.
•Doorka ay ka ciyaari karto amniga Badda Cas.

1. MUHIIMADDA ISTIRAATIIJIYEED EE SOMALILAND

1.1 Goobta Juqraafiyeed
Somaliland waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo si toos ah ugu dhow:

• Gacanka Berbera
• Badda Cas
• Bab el-Mandeb

Marin-badeedkani wuxuu kamid yahay:

• Meelaha ugu mashquulka badan ganacsiga adduunka
• Marinada shidaalka caalamka
• Waddooyinka maraakiibta ganacsiga dunida.

Sababtaas awgeed, quwadaha waaweyn waxay si weyn u daneeyaan cidda gacanta ku haysa ama saaxiibka la ah dalalka iyo deegaannada ku dhow marinnadan.

1.2 Dekedda Berbera
Dekedda Berbera waxay noqotay:

• Albaab ganacsi
• Xarun logistiga maraakiibta
• Deked istiraatiiji ah
• Aag cashuuraha ka caagan oo weyn .

Maalgashiga: iyo sababta Somaliland & Berbera muhiim u yihiin.

• Imaaraadka Carabta oo maalgashi weyn ku sameeyey dekeda Berbera iyo Jidka isku xidha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia.

• Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan bariga Afrika.
• shirkadaha caalamiga ah ee kale ee maalgashaday Jamhuuriyadda Somaliland

ayaa sare u qaaday qiimaha istiraatiijiga ah ee Somaliland iyaguna .

Washington waxay si gaar ah u eegaysaa muhiimadda Berbera sababtoo ah:

• Waxay kaalin ka qaadan kartaa amniga Badda Cas , Bab el-Mandeb iyo Bariga Dhexe.

• Waxay noqon kartaa xarun ciidan ama logistig oo muhiim u ah maraykanka maadaama gobolka intiisa kale China joogo.

• Waxay yareyn kartaa ku-tiirsanaanta dekedaha kale ee gobolka .

1.3 Xasiloonida iyo Dawladnimada
Marka la barbar dhigo Soomaaliya , Somaliland waxay:

• Haysataa xasilooni siyaasadeed
• Qabataa doorashooyin xor ah
• Leedahay hay’ado shaqeeya
• Leedahay ciidan iyo nidaam amni oo heer sare ah.

Arrimahan ayaa Somaliland ka dhigaya:

• Saaxiib amni
• Xulafo istiraatiiji ah
• Meel lagu kalsoonaan karo

2. SABABAHA WASHINGTON U XIISAYNAYO SOMALILAND

2.1 Amniga Badda Cas, Bab el-Mandeb iyo Gacanka Berbera.
Mareykanku wuxuu hadda u arkaa:

• Badda Cas
• Bab el-Mandeb
• Gacanka Berbera
• Geesta Afrika
• Bariga Dhexe
• Hal goob amni iyo istiraatiijiyad isku xidhan.

Khataraha:

• Xuutiyiinta Yemen
• Budhcad-badeedda
• Weerarada maraakiibta
• Xiisadaha Iran iyo marinka Hormuz ka taagan.

ayaa iyaguna sare u qaaday muhiimadda Somaliland.

2.2 Tartanka Shiinaha iyo Mareykanka
Shiinaha wuxuu:

• Saldhig ciidan ku leeyahay Djibouti.
• Maalgashi badan ku leeyahay Afrika.
• Xoojinayaa saameyntiisa gobolka Geeska Afrika.

Washington waxay ka cabsi qabtaa:

• In Shiinuhu xakameeyo marin-badeedka muhiimka ah.
• In uu helo dekedo iyo saldhigyo dheeraad ah.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka waxay Somaliland u arkaan:

• Meel lagu dheelli-tiri karo Shiinaha.
• Xulafo cusub oo istiraatiiji ah.

2.3 La-dagaallanka Argagixisada
Mareykanka wuxuu muhiimad siinayaa:

• Al-Shabaab
• ISIS-Somalia
• Amniga maraakiibta
• Sirdoonka gobolka

Somaliland waxay leedahay:

• Xasilooni amni
• Xeeb dheer 850km dhereran
• Meel muhiim u ah la socodka dhaqdhaqaaqyada gobolka.

3. DONALD TRUMP IYO FILASHADA AQOONSIGA.

3.1 Sababta Filashada loo Qabo
Filashada aqoonsiga Somaliland waxay sii xoogaysatay kadib:

• Aqoonsiga Israel
• Xiisadaha Badda Cas & Gobolka
• Doodaha Kongareeska Mareykanka
Xiisaha ay siyaasiyiinta Jamhuuriga ahi muujiyeen
• Tartanka Mareykanka iyo Shiinaha
Dad badan waxay rumeysan yihiin in siyaasadda Donald Trump ay:
• Ka hormariso danaha istiraatiijiga ah
• Doorbido xulafada amniga
• Ku saleysan tahay “transactional realism”

Taas macnaheedu waa: Mareykanku wuxuu taageeraa cidda:

• Danihiisa ilaalin karta

• Amniga marin-badeedka sugi karta

• Saaxiib amni noqon karta

• Khayraad iyo istiraatiijiyad leh

3.2 Qodobada Somaliland Fursadda Siinaya
Somaliland waxay leedahay:

• Deganaansho siyaasadeed
• Doorashooyin
• Ciidan shaqeeya
• Deked muhiim ah
• Xidhiidh istiraatiiji ah oo Itoobiya la leh
Qodobadan ayaa sare u qaadaya:
• Xiisaha Washington
• Doodaha aqoonsiga
• Fursadaha iskaashi

4. MAXAA LAGA FILAN KARAA MUSTAQBALKA?

4.1 Aqoonsi Mustaqbalka Dhow Dhici Kara marka la eego;

• Xiisaha Washington ee Somaliland .

• Xasilid la’aanta Somalia iyo Mareykanka oo niyad xumo ka muujiyey , sidoo kale gabi ahaan joojinaya gargaarkii iyo taageeradii maamulka Muqdisho.

• Tartanka Shiinaha ee sii kordhaya maadaama oo marka Jamhuuriyadda Somaliland laga reebo Geesta Afrika oo dhan uu soo degay.

• Somaliland oo aduunku u soo jeestay oo wadamo kale oo badan la filayo inay aqoonsadaan .

• Danaha Mareykanka ee gobolka Geeska Afrika, Bab el-Mandeb iyo istiraatiijiyadda Somaliland oo sii kordhaya.

waxaa suuragal noqon karta:

• In maraykanku iyo xulafadiisu aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale waxaa la filayaa :

4.2 xidhiidhka oo sii xoogaysta;

• Xidhiidh diblomaasiyadeed kor loo qaado
• Saldhig iyo degsiimo ciidan
• Iskaashi amni
• Iskaashi sirdoon
• Maalgashi dhaqaale
• Iskaashi dekedeed

Ugu dambayn waxaa la isku raacsan yahay in Donald J Trump iyo Washington sameysanayaan xulafo istaraatiijyadeed oo adag oo Jamhuuriyadda Somaliland na ka mid tahay , waa arin aad aduunku u soo dhaweynayo , waxaana muhiim ah in ururka Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Ururada kale ee caalamiga ahi ku qancaan xaqiiqada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xuquuqaha ay u halgamaysay 35 sanadood oo loo dhego nuglaado.

Mohamed Abdi Jama Dhimbiil
Falanqeyn Siyaasadeed oo xiligani taagan.