
Dawladda Turkiga ayaa qayb ka ah is fami waaga ka dhexeeya madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo golaha mucaaridka oo ku heshiin la sidii ay doorasho lagu wada qanacsanyahay ay uga dhici lahayd deegaanada ay maamusho xukuumadda Somalia.
Beesha caalamka ayaa quus ka istaagtay in ay is fahansiiso oo ay mucaaridka iyo Xasan Sheekh ay gaadhaan heshiis doorasho oo lagu wada kalsoonyahay taasi oo ka suurto gali wayday madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday oo ku adkaystay in dastuurka cusub ee aan lagu heshiiska ahayni uu isaga siiyay in uu dalka madaxweyne ka sii ahaado sa hal sano taasi oo ay mucaaridkuna ku gacan saydheen taasi oo sababtay in shirkii labada dhinac uu burburay
Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh ayaa isla markiiba waxa uu madaxtooyadiisa uu ku qaabilay safiirka Turkiga ee Muqdisho ku sugan iyo xubno kale oo Turkish ah kuwaasi oo si badheedh ah u taageeray Xasan Sheekh in uu sii ahaado madaxweynaha Somalia taasi oo ay dawlada Turkigu aad ugu faraxsantahay.
Dawladda Turkiga ayaa ka walaacsan hadii kursiga laga qaado Xasan Sheekh in madaxweynahii kale ee yimaadaa uu Turkiga ka joojiyo khayraadka Somalia ee Turkigu uu sida sharci darada ah uu uga saxeexday Xasan Sheekh.
Turkiga ayaa Xasan Sheekh balan kula galay in uu kurdiga ku ilaalin doono isaga oo ciidamo badan u tabo baray Xasan Sheekh kuwaasi oo xilka ku hayn doona tan iyo inta ay mutaadkooda ka dhamysan doonaan.
Turkiga ayaa wada soo soo saarista shiidaalka deegaanada koonfurta Somalia sidoo kale Turkigu waxa uu si xad dhaaf ah uu bada koonfurta Somalia uu ugala baxaa kaluun aad u tiro badan taasi oo ay heshiis ku yihiin Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh oo qayb kala ah boobka khayraadka dalka
Dhanka kalena golaha mucaaridka ee Somalia ayaa soo saaray qoraal ay ku dhaleecaynayaan dawlada Turkiga iyaga oo sheegay in aanu Turkigu dhex ka ahayn arimaha Somaliya iyaga oo ku dhaleeceeyay in uu si indho laan ah uu u taageeraayo madaxweynaha uu xilkiisu dhamaaday iyo arimo kale.
Dadka Somaliya waxa la gudboon in ay iska xoreeyaan dawlada Turkiga oo ah gumaysi casriyaysan.





