
Infakshannada lagu kala qaado galmada (STIs), oo ay ku jiraan jabtada (gonorrhoea) iyo waraabowga (syphilis), ayaa gaaray heerarkoodii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo Yurub, sida ay muujinayso xog cusub.
Xarunta Yurub ee Ka-hortagga iyo Xakamaynta Cudurrada (ECDC) ayaa sheegtay in labadan cudur ay gaareen heerarkoodii ugu sarreeyay in ka badan 10 sano gudaheed sannadka 2024.
Jabtadu waxay gaartay 106,331 kiis — taasoo ah koror dhan 303% tan iyo 2015 — halka waraabowgana uu in ka badan labo jeer kordhay muddadaas isla markaana gaaray 45,557 kiis.
Hay’adda caafimaadka ayaa sheegtay in “farqiyada badan ee baaritaanka iyo ka-hortagga” ay qayb ahaan sabab u yihiin kororka faafitaanka, waxayna ku baaqday in tallaabo degdeg ah la qaado.
“Infakshannadani waxay keeni karaan dhibaatooyin culus, sida xanuun joogto ah iyo dhalmo la’aan, iyo marka ay timaaddo waraabowga, dhibaatooyin ku yimaada wadnaha ama habdhiska neerfaha,” ayuu yiri Bruno Ciancio, madaxa qaybta cudurrada si toos ah la isugu kala gudbiyo iyo kuwa tallaalka lagu hortagi karo ee hay’adda.
Wuxuu sheegay in kiisaska waraabowga ku dhaca ilmaha uurka ku jira ama ku dhasha — “halkaas oo caabuqu si toos ah ugu gudbo dhallaanka oo keeni kara dhibaatooyin nolosha oo dhan socon kara” — ay ku dhowaadeen inay labanlaabmaan intii u dhaxaysay 2023 iyo 2024.
Spain ayaa lahayd tirada ugu badan ee kiisaska la xaqiijiyey ee jabtada iyo waraabowga dalalka Yurub ee ka qayb galay sannadka 2024, iyadoo laga diiwaangeliyey 37,169 iyo 11,556 kiis.
In kasta oo kalamiidiya (chlamydia) ay weli ahayd infakshanka bakteeriyada ee ugu badan guud ahaan la soo sheego, haddana kiisasku waxay hoos u dhaceen 6% tan iyo 2015, iyagoo gaaray 213,443.
Bbcsomali





