
Faafitaanka degdegga ah ee xanuunka Ebola ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa abuuray xaalad “si aad ah u walaac leh,” sida ay ka digtay hay’adda caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF).
Isagoo ka hadlayay laba toddobaad kadib markii lagu dhawaaqay faafitaanka cudurka, ku-xigeenka agaasimaha MSF Dr Alan Gonzales ayaa sheegay in aan waligeed hore loo arag “xaalado sidaan u badan” oo cudurka ah in lagu diiwaangeliyo muddo sidaas u gaaban.
Hadalladiisa ayaa yimid xilli madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, uu booqday gobolka Ituri ee bariga Congo oo ah meesha ugu daran ee uu cudurku saameeyay si uu u kormeero dadaallada xakamaynta fayraska.
Hadda waxaa jira in ka badan 1,000 kiis oo Ebola ah oo la tuhunsan yahay gudaha DR Congo, iyo ugu yaraan 246 dhimasho. Dalka deriska ah ee Uganda ayaa soo sheegay sagaal kiis oo la xaqiijiyay iyo hal dhimasho.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa ka mid dalalka ay ganacsiyada ku leeyihiin Soomaali badan.
Source bbcsomali





