GEERIDA AYNU KA ORDAYNAA WAY INNALA KULMAYSAA.

Binu aadmigu geerida ma jecla, hadday meel yari ku xanuunto dhaqtar iyo dawaad doonanaysaa, hindiya iyo itoobiya ama yurub ayaad nafta kula cararaysaa haddaad karayso, kumaankun lacaga ayaad caafimaadkaaga u hurayasaa haddaad haysato, haddaba walaalayaal waxa habboon inaanaad adigu is qaadsiin xanuun ciqaab ilaahay kuugu imanaya.

Waxaynu nahay dad muslim ah oo uu ilaahay maamulo oo uu u soo rogay laba waddo shar iyo khayr, haddaad waddada khayrka aad raacdid caafimaadkaagu inta badan wuu fiicnaanaya.

Haddaad waddada sharka aad raacdid oo aad xalaashato wuxuu ilaahay xarrimay adigoo ummadana fasahaad ku dhex qaybinaya guulaysanmaysid.

Ilaahay wuxuu kuu soo dirayaa digniino dhiigaaga oo uu subaggu ku bato macaanku ku bato dhiigkar IWM.

Waxyaalahaasi markay kugu soo socdaan waxaad is weydiisaa waxaad cuntay maxay yihiin xaaraan iyo xalaal oo is daba qabo intaanay masiibadu ubadkaaga iyo qoyskiinaba aanay silcin intaanay caarkiinu kuu guurseegin oo aan looga cararin fasahaadka aad qaybinayso, waxaad tahay addoon diciifa ee is hubso dib ugu noqo camalkaaga xun ummaddana xishmee.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.