
๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฆ๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ฎ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ก๐๐ก๐๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐ก ๐๐ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ซ๐
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee Caasimadda Hargeysa si rasmi ah uga furay bilowga Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Dugsiyada Sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo sannad kasta lagu qiimeeyo heerka aqooneed ee ardayda dalka, laguna xaqiijiyo hufnaanta iyo tayada nidaamka Waxbarashada Qaranka JSL.
Waxa xusid mudan in sannadkan 2026-ka ay ardaydii ugu badnay (๐๐,๐๐๐) taariikhda Somaliland u fadhiisteen Imtixaannada Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu hambalyo iyo dhiirrigelinba u diray dhammaan ardayda maanta u fadhiisatay Imtixaannada Shahaadiga ah, isaga oo u rajeeyey guul iyo in ay ka gaadhaan natiijooyin wacan oo ka turjumaysa dedaalkoodii, kartidooda iyo aqoonta ay muddada dheer soo baranayeen.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u mahad naqay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL, Xafiiska Imtixaannada Qaranka, Ciidamada Booliska JSL, Macallimiinta iyo dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta, sugidda iyo qabsoomidda Imtixaannada Shahaadiga ah ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.





