Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI waxa maanta lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka, Waxbarashada iyo Sayniska iyo Shaqada, Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska, iyaga oo la kulmay guddida uu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI u magacaabay isku-xidhka iyo la-shaqaynta Wasaaradaha Waxbarashada & Sayniska, Horumarinta Caafimaadka, iyo Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska.

Kulankan oo shir-guddoominayay guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X. Xasan ayaa ay ujaadadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta dhow ee u dhexaysa xisbiga talada dalka haya ee WADDANI iyo xukuumadda JSL, loona dardargelin lahaa adeegyada ay xukuumaddu u hayso shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.