Waxa geeriyooday Alle ha u naxariistee Hogaankii Baadhista Dambiyada Ciidanka Booliska JSL, Marxuum G/Sare Faysal Xiis Cilmi

Qoraal tacsi ah oo ay soo.saareen taliska guud ee ciidanka boolisku waxa uu u dhignaa didan hoos ku xusan

Tacsi Tiiraanyo Leh: Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan, iyo dhammaan saraakiisha Ciidanka Booliska JSL waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland , geerida naxdinta leh ee ku timi Hogaankii Baadhista Dambiyada Ciidanka Booliska JSL, Marxuum G/Sare Faysal Xiis Cilmi, oo geeriyooday.

Waxay Alle uga baryayaan Marxuumka in uu naxariistii janno ku waraabiyo , dhammaan ehelkii, qaraabadii , Ciidanka Booliska JSL iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
Aamiin.

إنا لله وإنا إليه راجعون