Waxa loo digo rogtay in dalkastaa uu danihiisa raacdo. Inkasta oo Somaliland kiiskeeda aqoonsi raadsi uu salka ku hayo sharciyada caalamiga, hadana waxa jira dalal badan oo ka dabin dhowraya inay Somaliland siiyaan aqoonsi ku sallaysan sharciga caalamiga ah (de jure recognition) iyagoo ay dabrayaan xeer hoosaadyo ay kula jiraan hayado aan isbedelada u bislayn sida ururka Afrika iyo la Carabta.
Taa bedelkeedana waxa laga yaabaa in waxan ay farsamo yaqaanada Itoobiya ugu yeedheen ictiraafka baahida ku sallaysan ama ictiraafka wada shaqaynta (operational recognition) ay inagula shaqeeyaan wadamo badani. Aqoonsigan ayaa ah mid baahida ku sallaysan. Sida uu sheegay machadka siyaasada arrimaha dibeda ee Itoobiya.
Waxa Somaliland lagula shaqaynayaa mabda’a ku sallaysan baahida wadashaqayneed ee ay dawladaha kale u qabaan adeegyada Somaliland iyadoo baahidaasi ka imanayso bogcada barakaysan ee Rabbi inagu galaday.
Hadeer intaan ogahay waxa Somaliland mabda’a ‘operational recognition’ kula shaqeeya Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta iyo weliba dawlada wayn ee Maraykanka. Sacuudiga ayaa isaguna laga dareemayaa inuu jihadan cusub usoo socdo.
Hadaba aqoonyahanka reer Somaliland fikirkoodii ahaa dawladii aan aqoonsi sharci ah ina siinahayni yaanay dalka soo caga dhigan isbedel haku sameeyeen oo laabta hawsii daayeen wadamada ka dabin dhowraya ictiraafka ‘de jure’ ka ah oo dawladii ‘operational recognition’ inoola diyaara sidii loola shaqayn lahaa qorshaha halagu daro. Wasaarada Arimaha Dibeda Somaliland na halkaa haw dhug yeelato. Tusaale waxa inoogu filan heshiiska layaabka leh ee uu Turkigu wiigan la galay dawlada ka talisa bariga dalka Liibiya ee Bengazi fadhigeedu yahay taasoo uu dhowr sanno ka hor dagaal qadhaadhi ku dhexmaray aaga Tripoli. Taasina kama dhigna inaan isbarbardhig ku samaynayo bariga Liibiya iyo Somaliland oo aad u kala fog marka la eegayo sharciga caalamiga ah.
Abdirashid Ahmed





