BEESHA JAREER WEYN DAWLADDA SOOMAALIYA WAY DUUDSIDAY XAQOODII

Beesha jareerweyn ee soomaaliya waxay ka mid tahay beelaha aan marnaba xuquuda soomaalinimo muslinmo, aadminimo midna aan lagu tix gelin way ku dulmanyihiin soomaaliya oo waa lagu yasaa.

Beesha JAREER WEYN waa dad wax soo saara oo leh xirfado kala duwan sida falista beeraha,dhismaha guryaha, samaynta gaadiidka waxay leeyihiin farsamoyaqaanno.

Waxay kaalin weyn kasoo qaateen fanka soomaalida, waxa ka soo jeeday MULLAXAMIISTIHII soomaaliya ugu cajiibsanaa 1.AXMADNUUR IIDOW ABTIILE (JAANGO)2.MUUSE CISMAAN MAXAMAD AABIHII seksafoonka oo tumi jiray dhammaan muusiga3.xuseen baajuuni oo ahaa ninkii cabdilaahi qarshi iyo xuseen aw faarax la taabbo qaaday,4. Beerfalo, 5.awees goobe.6.daa’uud cali way badnaayeen bahda muusigu.

Dadkaasi waa ilaa laba Milyan oo ilaa itoobiya deggan oo qiimoweyn ku fadhiya nasiib darro dawladda soomaaliya saamigoodii way aastay oo way ku dhex dulmanyihiin culimo iyo cid u hadashaa ma jirto.

JAREER WEYN waxa la gudboon inay is habeeyaan oo ay xaqooda doontaan.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.