
Fadhigii 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxa lagaga wada hadlay qodobbada soo socda:
๐. ๐๐จ๐จ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฑ๐ฃ๐๐ซ๐ซ๐๐๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dood qoto dheer ka yeeshay Muhiimadda Istaraatiijiga ah ee Xeerka Maxjarrada Dalka, iyaga oo adkeeyey doorka uu ku leeyahay ilaalinta Caafimaadka iyo Fayo-qabka Xoolaha, tayaynta nidaamka dhoofka xoolaha, u hoggaansanaanta Halbeegyada Caafimaadka ee Caalamiga ah, iyo xoojinta sumcadda xoolaha Somaliland ee suuqyada caalamka.
Goluhu waxa uu xusay in Xeerkani uu laf-dhabar u yahay kobcinta dhaqaalaha Qaranka iyo joogtaynta kalsoonida ay suuqyada caalamku ay ku qabaan xoolaha Somaliland.
Dood dheer kaddib, Golaha Wasiirradu waxa ay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen Xeerka Maxjarrada Dalka, iyada oo aanay jirin cid diidday ama ka aamustay.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee amniga dalka, isaga oo sheegay in amniga dalku uu yahay mid sugan, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasillooni darro ah oo ka jirta gobollada dalka. Waxa uu xusay in Hay’adaha Amnigu sii wadaan dedaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Qaranka JSL.
๐. ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐ ๐ฎ๐ซ๐ข๐ญ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐ฎ๐ฆ๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐๐ก๐๐๐๐:
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Afgaab) ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey habraacyada cusub ee ay Wasaarradiisu dejisay ee lagu nidaaminayo adeegsiga Summadda Aqoonsiga Gaadiidka Dawladda (GT), isaga oo xusay in aan la oggolayn in Gaadiidka laga furo Summadda Aqoonsiga (plate number) uu baabuur kasta gaarka u leeyahay, laguna xidho Sumadda ay leeyihiin Gaadiidka Shicibku (private plate number).
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Habraacyadan ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo amniga iyo bedqabka Gaadiidka Dawladda, korna loo qaado hufnaanta adeegsiga Gaadiidka Dawladda, si loo xaqiijiyo in Gaadiidka Dawladda si masuuliyad leh loogu adeegsado gudashada waajibaadka Qaranka, maadaama uu yahay hanti Qaran oo u baahan ilaalin iyo maamul sugan.
๐. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐๐๐:
Gabagabadii fadhiga 69-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu adkeeyey in nabadda, wadajirka iyo midnimada Qaranku ay yihiin mudnaanta koowaad ee Xukuumadda.
Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobolka Sool uu yahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna ay yihiin walaalo reer Somaliland ah, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana lagu xalliyo wada hadal, is-afgarad, walaaltinimo iyo isku duubni Qaran.





