SULDDAAN SICIID YUUSUF DUCAALE WAX WANAAGSAN AYUU KU HADLAY.

Sulddaan siciid Yuusuf ducaale oo ka soo jeeda qoys siyaasadda Somaliland ilaa halgankii kaalin culus kaga jiray oo ka Hadlay arrimaha maxaabiista ayaan halkan ka hambalyaynayaa sida odaynimada ah ee uu uga hadlay.

Dadkii reer somaliland gaar ahaan qurbbajoogii waxa ku soo batay maggafeyaal siyaasadeed oo meel kasta wax ka dayaya kuwaasoo Warbbaahinta kicin dadweyne iyo been la soo fadhiya maxaabiista qaarnna waalla sii deynayaa qaarna waalla haynayaa caqliga ma gasho ee dadka wax kale u sheega oo lafihiina u xishooda.

Waddanku wuxuu u baahanyay nabaddiisa in la xoojiyo la adkeeyo oo lagu dhiirrigeliyo dawladdu inay gamco bir ah ku qabato fidmowaleyaasha caanka ah ee xamar iyo cadowkasta oo ay Somaliland leedahay masaariifsada.

Somaliland wax go’ lagu qaado ka weyn.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.