Dowladda Kenya oo muddo ogeyd in Xasan Sheekh uu haysto baasaboorkeeda, ayaa haatan la sheegayaa inay amartay saraakiisha dabagalka musuqa ee laanta socdaalka inay baaraan sida uu ku heley baasaboorka iyo qofkii kala shaqeeyay.

Baasaboorka Xasan waxaa ugu qoran inuu ku dhashay gobolka Waqooyi Bari Kenya, uuna yahay muwaadin Kenyan ah.

Tani waxay khilaafsan tahay baasaboorka Soomaaliya iyo CVgiisa oo ay ku qoran tahay inuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Soomaaliya.

Ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa sheegaya in Xasan Sheekh uu qaatay baasaboorkan xilligii uu la shaqeynayay hay’adda CRD ee cilmi-baarista.

Qof ku dhow laanta socdaalka ayaa noo sheegay in baasaboorka uu Xasan haysto uu yahay noocii hore ee ay Kenya bedeshay 2017, balse weli xogtiisa ay taallo laanta socdaalka Kenya.

Fatxiya Axmed