Wargeyska Sacuudiga laga leeyahay ee Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iiraan loo daadgureynayo goobo ammaan ah.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in taliyeyaasha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada kooxda iyo culeyska iyo
weerarrada sii kordhaya ee kaga imaanaya kooxda isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, iyadoo la filayo in isbahaysigu uu bartilmaameedsado saraakiisha sare ee Xuutiyiinta ee dhinacyada amniga, milatariga iyo dowladda, taas oo jawaab u ah tallaabooyinkooda.
Sacuudiga ayaan weli xaqiijin sheegashada Xuutiyiinta ee ku saabsan weerar lagu qaaday markab militari oo Sacuudigu leeyahay iyo weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday ciidamada Sacuudiga, kuwaas oo ka dhacay deegaannada ay dowladda Yemen maamusho 11-kii Agoosto.
Wakaaladda wararka Saba oo ay maamulaan Xuutiyiintu ayaa soo xigatay afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, isaga oo sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay qaadeen “weerarro sax ah” oo lagu beegsaday “goobo ay ku urursnaayeen ciidamada cadowga Sacuudiga, bakhaarro hub iyo xarumo talis” oo ku yaalla Al-Mokha iyo xerada Tadaween ee gobolka Ma’rib.
Waxa uu intaas ku daray in Xuutiyiintu ay bartilmaameedyadaas ku weerareen tiro badan oo gantaallo ballistic ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, ayna dileen dad badan, oo ay ku jiraan muwaadiniin Sacuudiyaan ah.
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in kooxdu ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah ciidamada Sacuudiga, kuwaas oo uu sheegay in loo diray Yemen si ay “u sii xoojiyaan colaadda oo ay ula wareegaan gacan ku haynta dalka”.





