Kulankii Labada Madaxweyne iyo Safarkii Guusha: Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Kenya oo Xoojinaya Xidhiidhka iyo Iskaashiga

Safiirka Somaliland ee Kenya ayaa boggiisa X-ku daabacay warbixin kooban oo ku saabsan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Kenya, isagoo sheegay in booqashadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay fursad muhiim ah u ahayd dardar-gelinta iskaashiga labada dhinac. Waxaana lagu yidhi qoraalka:

Intii uu Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), booqashada ku joogay dalka Kiiniya, waxa uu kulan la yeeshay Madaxweynaha Kiiniya, William Ruto, kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Kiiniya. Waxa kale oo uu la kulmay Guddoomiyaha Golaha Qaranka Kiiniya, Moses Wetang’ula, iyo masuuliyiin kale oo sarsare oo Kiiniyaan ah.

Kulammadaasi waxa ay fursad muhiim ah u noqdeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo Kiiniya, iyadoo laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga iyo maalgashiga, iskaashiga dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka ee ay labada dhinac wadaagaan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale magaalada Nairobi kula kulmay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan bulshada diblomaasiyadda iyo hay’adaha horumarinta, halkaas oo uu si toos ah uga hadlay horumarka Somaliland, mudnaanta xukuumaddiisa iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, tamarta, caafimaadka, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Diblomaasiyiinta iyo hay’adaha horumarintu waxa ay iyaguna Madaxweynaha si toos ah u weydiiyeen su’aalo, iyagoo la wadaagay aragtidooda iyo fursadaha iskaashi.

Booqashadu waxay sidoo kale fursad u noqotay in lagu sii ambaqaado xidhiidhadii iyo wada-hadalladii ay safaaradda Somaliland ee dalka Kiiniya wadday muddo sannad ah

Waxaa muuqata xiise iyo niyad-wanaag weyn oo Kiiniya looga qabo Somaliland, waxaana hadda muhiim ah in niyad-wanaaggaasi loo beddelo iskaashi dhab ah, mashaariic wax-ku-ool ah iyo natiijooyin muuqda oo ay Somaliland ka faa’iidaysato