
Israa’iil waxay joojisay heshiisyada hubka ee ay la lahayd Qatar; go’aanku wuxuu khuseeyaa heshiisyo shan sano ah.
Sidaasi waxa lagu baahiyay I24 – gaar ahaan boga ay ku leeyihiin barta X.
Wadamada Carabta badidooda ayaa xidhiidh ganacsi la leh dawlada Israel kuwaasi oo ay ugu horeryaan dalalka Masar,Saudi Arabia, Qatar iyo kuwo kalaba.
Waxa nasiib daro ah in dalalkaasi ay Somaliland ku colaadiyaan xidhiidhka saxiibtinimo ee ay dhawaan yeesheen labada dal ee Somaliland iyo Israel. Xidhiidhkaasi oo ah mid qoto dheer oo waligii jiri doona waxana haboon in dhamaan dalalka Carabta iyo Turkugba ay raacaan wadada ay ay qaaday Israel ee ahaa in Somaliland mar kale loo aqoonsado dal madax banaan.





