
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan ardayda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku guulaysatay Imtixaannadii Shahaadiga ahaa ee fasalka 8-aad ee Dugsiyada Dhexe iyo fasalka 4-aad ee Dugsiyada Sare.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo guusha ay gaadheen, isaga oo si gaar ah u hambalyeynaya Waalidiinta iyo Macallimiinta muddada dheer la soo dedaalay ardayda.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska JSL iyo Xafiiska Imtixaannada Qaranka oo iyagu kaalin weyn ka qaatay diyaarinta, hirgelinta, sixitaanka iyo soo saarista natiijooyinka Imtixaannada Shahaadiga ah.
Madaxweynuhu waxa uu ardayda gudubtay kula dardaarmay in guusha ay maanta gaadheen aanay ahayn dhammaadka safarka aqoonta, balse ay tahay bilowga marxalad cusub oo u baahan dadaal, kalsooni, hal-abuur iyo himilo sare, isaga oo u rajeeyey mustaqbal wacan oo ay aqoontooda ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda Somaliland.





