Booliiska dalka Nepal ayaa sheegay in ilaa 09:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah ee Jimcaha maanta ah, in 475 qof ay ku dhinteen daadadkii dhobata watay ee Arbacadi ku dhuftay degmada Rasuwa ee dalkaas.

In ka badan 550 qof ayaa la la’ayahay, kadib 48 saacadood o ay daadadkaas ku dhufteen dalka, tiradaas oo la filayo inay intaas ka sii badato.

Cabsi kale ayaa jirta oo adda waxay ka cabsi qabaan in, kadib saacado badan oo roob culus ah, harada ka samaysantay burburka dhexdiisa ay qararka jabsato, taasina ay maalmaha soo socda ay sababto dhimasho hor leh.

Booliisku waxay intaas ku dareen in howlgallada samatabbixinta iyo baadi-goobka dadka ay weli socdaan, iyadoo sidoo kale dadaallo lagu doonayo in “waddooyinka xanniban laga furo” ay ka socdaan goobaha ay daadadku saameeyeen.

Samatabbixiyeyaasha ku sugan aaggaas ayaa lagu amray inay hadda joojiyaan hawlgallada, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya warbaahinta dowladda Shiinaha.

In ka badan 550 qof ayaa la soo sheegay inay ku maqan yihiin dhinaca Tibet ee xadka — 260 ka mid ah waa ajaanib, oo ay ku jiraan dalxiiseyaal u socday buurta barakaysan ee Kailash ee Tibet.T