Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in wafdi heer sare ah oo ka socda Qatar ay booqdeen Hargeysa iyagoo doonaya inay ku qanciyaan Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inuu dib u bilaabo wadahadallada Soomaaliya iyo inuu ka fogaado xidhiidhka sii kordhaya ee Israa’iil.

Waftigu waxay bixiyeen maalgelin amni iyo kaabayaal oo muhiim ah oo qayb ka ah hawlgalka la soo jeediyay, sida ay ilo wareedyadu sheegeen.

Somaliland way diiday habkaas, iyadoo caddeysay inaysan ku laaban doonin wadahadallo furan oo ay la yeelan doonto Soomaaliya ama aysan wax ka beddeli doonin xidhiidhkeeda istaraatiijiyadeed si ay u hesho kaalmo dhaqaale.

Waxana ay Somaliland ku adkaystay in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil aanay sinba waxba isga bedeli doonin oo ay Israel ay ahaan doonto saaxiib mihiim ah oo ay Somaliland leedahay.