Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay inay la wareegeen lix degmo oo ku yaalla Taiz iyo Xudayda
Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa sheegay in howlgalkii ay kooxdu billowday 3-dii Sebtembar uu ka dhacay lix degmo oo ku yaalla gobollada Taiz iyo Xudayda, iyadoo guud ahaan masaafada dhulkaas uu gaarayay 5,400 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Wuxuu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa ka jeediyay telefishanka Al-Masiirah, kaas oo ay la socotay waaxda kormeerka warbaahinta ee BBC, in howlgalku bartilmaameedsaday toddobo qaybood oo milatari, kuwaas oo ka koobnaa 38 guuto oo ka tirsan ciidamada dowladda ee Sacuudigu taageero.
Sida uu sheegay Sariic, dagaalladu waxay sababeen in boqolaal ka tirsan ciidamadaas la dilo, la dhaawaco ama la qabto.
Sariic wuxuu sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay intii uu dagaalku socday fuliyeen 32 hawlgal oo ka dhan ah diyaaradaha Sacuudiga, ayna soo rideen sagaal diyaaradood.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay sii daayeen tiro aan la cayimin oo maxaabiis ah oo ay ka hayeen ciidamada dowladda.





