Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay si ka hortag ah u hakisay hawlgallada dhuumaha shidaalka ee ka soo bilaabma Gobolka Bari kuna socda xeebta galbeed, kaddib markii Khamiistii lala beegsaday “weerarro dhowr ah,” kuwaas oo ay markii dambe sheegtay inay ka yimaadeen diyaarado aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday Ciraaq. Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Riyaad iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa soo xigatay ilo ka tirsan Wasaaradda Tamarta oo sheegay in “dhuumaha shidaalka Bariga-Galbeed ee gobollada Riyaad iyo Madiina ay Khamiistii subaxnimadii, Sebtembar 10, 2026, la kulmeen weerarro dhowr ah, waxaana dhuumaha loo xiray si taxaddar ah, weerarraduna waxay sababeen dhaawacyo qaar ah.”

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarka ay fuliyeen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo “ka soo baxay dhulka Ciraaq,” kaas oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed , sida lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay.