๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ ๐จ๐จ ๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ง๐ ๐ญ๐จ๐ง ๐.๐. ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง ๐ช๐ฎ๐ซ๐๐๐ ๐๐ก ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ ๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐๐ฒ ๐๐ฎ๐๐ง๐จ ๐ค๐ ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ง๐ ๐ซ๐๐ฌ๐ฌ-๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ฒ๐ค๐๐ง๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐ค๐ ๐ฌ๐จ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ก๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Washington D.C. kulan quraac ah kula yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka iyo Safiirro ka kala socda dalal ka tirsan Beesha Caalamka oo fadhigoodu yahay Washington D.C.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga istaraatiijiga ah, amniga iyo xasilloonida gobolka, ganacsiga iyo maalgashiga, iyo doorka muhiimka ah ee ay Somaliland ku leedahay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Madaxweynaha ayaa kulanka ku adkeeyey in Somaliland doonayso in loo arko dal istaraatiiji ah oo la isku hallayn karo (Reliable Strategic Partner) nabad ah, xasilloon, leh Hayโado Dawli ah oo shaqaynaya, isla markaana ku taalla goob juqraafi-siyaasadeed muhiim u ah amniga iyo danaha wadajirka ah ee gobolka iyo caalamka.





