





Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta booqday Xarunta Congress-ka Maraykanka (United States Capitol Hill) oo ah goobta ay ku shaqeeyaan Xildhibaannada Aqalka Sare (Senate) iyo kuwa Golaha Wakiillada (House of Representatives), halkaas oo uu kulamo muhiim ah kula yeeshay xubno ka tirsan Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid yihiin Xildhibaan (Congressman) John Rose (R-Tennessee) iyo Xildhibaan (Congressman) John Moolenaar (R-Michigan).
Madaxweynaha iyo xubnaha Congress-ka ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka, iyaga oo si gaar ah u taabtay arrimaha amniga, iskaashiga istiraatiijiga ah, ganacsiga, maalgashiga iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa adkeeyey muhimadda ay Somaliland u leedahay amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isaga oo tilmaamay in juqraafi ahaan Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah ilaalinta marinnada ganacsiga caalamiga ah iyo danaha istiraatiijiga ah ee muhiimka u ah dalka Maraykanka.
Sida oo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyey in Somaliland doonayso iskaashi ku salaysan dano-wadaag, masuuliyad iyo natiijooyin la taaban karo, gaar ahaan horumarinta iskaashiga amni, ballaadhinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga Maraykanka iyo xoojinta xidhiidhada dhaqaale.





