AHUN Axmed Muxumed (Gacayte) Yuusuf (1948-1988)

Axmed Gacayte Yuusuf sannadkii 1948 ayuu ku dhashay magaalada Hargeysa, xaafadda xiddigta halkaas ayuu ku kacaamay oo waayihiisii dhallaannimo ku qaatay, kolkii uu hanaqaaday waxa uu waxbarashada ka bilaabay dugsiga Axmed Gurey ee Hargeysa
Billaawgii dawladnimada Soomaaliya markay curatay,1960s waxaa ardayda iskuullada laga soo xuli jiray qofkii hibo faneed leh jaadkay doontaba ha noqoto’e. Dabayaaqadii,1964 ayay koox wariyaal ah oo ka hawlgala raadiyow Hargeysa oo iskuulada magaalada mikrifoon la dhex qaadayay kana soo xulanayay qofkii heesi kara booqdeen dugsiga Axmed-Gurey, arday tobaneeyo ah oo maalintaa codkooda la tijaabiyay ayuu ka mid ahaa Axmed Gacayte Yuusuf markii codkii laga duubay ardaydii ee ay weriyaashi ku laabteen goobtoodii shaqada ayaa la dhagaystay dhammaan cajiladdihii la duubay maalintii xigtayna waxaa maalmulkii iskuulka loo sheegay inuu Axmed noqday qofka ay xulatay idaacadda Radio Hargeysa lana rabo in idaacadda la geeyo oo laga qabto hees.

Billaawgii 1965 ayuu Axmed Gacayte heestiisii ugu horaysay ka qaaday idaacadda,heestaas oo magaceedu ahaa “Ahlan wa sahlan Daahir” si wada jir ahna waxaa u la qaadayay Shamso-Diiddan iyo Marwo Maxammed. Heestaasi caan ayay isla markiiba noqotay oo magaalada ayay ku faaftay waxa ay gaadhay Maxammed-Gacayte oo ahaa fannaanka aabbihii, bulshada oo markaas fanku ku cusbaa fahan wacanna aan ka haysan ayaa kaliftay in Axmed aabbihii ku dayriyo fanka uu galay iyo idaacadda u ka heesay.
Fannaan Axmed Gacayte taas walaw ay saamayn ku yeelatay haddana ma aysan noqon dabar uu kaga joogsado hibadiisii fanneed, bilo ka gadaalba waxa uu dhex galay xertii fanka iyo suugaanta ee Hargeysa ku sugnayd hibo isma qarisee waxaa bilawgiiba cirka isu shareertay awooddii ku dhex abuurnayd aadna way ula cajabeen abwaannadii iyo fannaaniintii Radio Hargaysa .
Waayadaa dhallinyaro badan ayaa kusoo jabay fankii Soomaalida ee dawladnimada ka hor dadka loo bahalo galiyay oo dhiig cusub ayaa galay waxaana ku yimid sara-u-kac aad u weyn waana kolkii ay soo baxeen ragga laxameeyay heesaha badankooda, Axmed Gacayte Yuusuf waxa uu ka mid noqday shidaalkaa fanka kusoo biiray ee la yimid laxannada ashqaraarka ah, waxa uuna noqday laxamiiste aad looga ixtiraamo goloyaasha ay fadhiyaan jilimculustii fanka iyo suugaantu, Riwaayado badan ayuu Axmed lahaa laxankooda waxaana la sheega Gacayte inuu ahaa dadka aysan dhibin laxan samayntu oo ay aad ugu fududayd inuu ereyo qallalan oo qoran durba u beddalo hees dareen leh oo aad loo dhadhansado.

Riwaayadihii uu laxankooda lahaa waxaa ka mid ahaa riwaayadda “Rooble ma runbaa” waxaa wada sameeyay Axmed Saleebaan Bidde iyo Abwaan Cabdi Aadan Xaad ( QAYS ) , “Ninba timo xamar” iyadana ay wada sameeyeen Meecaad Miigane iyo Boon Xirsi “Jeel iyo jacayl” oo Axmed Saleebaan Bidde lahaa iyo Riwaayaddii “Xoriyo” ee uu curinteeda lahaa Maxammuud Cabdillaah Ciise (Singub).
Axmed Muxumed-Gacyte Yuusuf isaga oo ka mid ah laxanyaqaanka heerka sare ka jooga fanka Soomaalida haddana kuma koobnayn inuu cod sameeyo ee dhanka kalena waa hoobal taabbagalay oo codkiisa dheg maqashaa aysan ka xiiso beelayn.
Axmed Gacayte, heeso badan oo aad loo jecelyahay ayuu ku xareediyay, qormadaan aadka u yarna ma aha mid aynu kaga geyoon karno laxan’aqoontiisii jaadgooniga ahayd iyo hoobalnimadiisii. Axmed Gacayte noloshiisa intii danbe waxa uu ku sugnaa magaaladii uu ku dhashay ee Hargeyaa iyada ayaana lagu dilay sannadkii 1988-kii, halkaas waxaa ku damay tiriig weyn oo si weyn uga dhex iftiimayey fankeenna. Hiboole aad u laxan macaan oo heesaa heerkiisu sarreeyo ah, mullaxan Axmed Gacayte, Eebbe ha u naxariisto sidii uu inoogu hagar baxay ee fanka inoogu qurxiyayna Alle hoygiisa ha ugu qurxiyo aakhirana haka yeelo kuwa jannada meel sare ka taga ee hadhac qabow jiifsada, qoraalka intiisa danbe waxaan idinkula wadaagayaa qayb ka mid ah waxqabadkii uu ka tagay iyo heesihii uu laxanka u sameeyay kuwaas oo kala ah kuwo uu isagu qaado iyo qaar ay fannaaniintii waaweyneed ee dalku qaadeen.

1.Heesta “Diiggaa habeenkii”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed Axmed Kuluc

2.Heesta “Haku daalin jeedaal”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxammed A. Kuluc

3.Heesta “Ninka booli cunay”
Ereyada: Xasan Ganeey Abdullahi
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Marwo Cabdi

4.Heesta “Ii wad sheekada”
Ereyada: Mewcaad Miigane
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi

5.Heesta “Anaa jamashadaa qaba”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Axmed

6.Heesta “Nabsigiyo ayaankow”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

7.Heesta “Laba sooryo wada cunay”
Ereyada: Masmas
Laxanka: Axmed Gacayte Yusuuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

8.Heesta “Naf ku jecel adduunyada”
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac
Erayada: Axmed S Bidde.

9.Heesta “Dad haddaad is qabataan”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan

10.Heesta “Aan damaq jacayl”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Mooge Liibaan

11.Heeta “Ma naxoo jacaylkuye”
Ereya: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda Sahra Axmed Jaamac

12.Heesta “Gugii hore waan gunuunacayoo”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tiriig xashi iyo Gacayte

13.Heesta “Ha ka dhicin sallaammada”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

14.Heesta “Badda caashaq een gudhin”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

15.Heesta “Weligaaba baydhbaydh”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Hibo-Nuura Maxamed

16.Heesta “Hargeysaay ha dheelliyin”
Ereyada: Cabdi-Qays
Laxanka : Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

17.Heesta “Xareedda laguma wacnaadoo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte
Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

18.Heesta “Jooflaha Libaaxiyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laanka:Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Maxamed mooge liibaan

19.Heesta “Isha sacabka mari”
Ereyada: Cabdiqaadir X. Yamyam
Laxanka; Axmed Gacayte
Luuqda: Khadra Daahir Cige

20.Heesta “Fallaago” ama “Ma fiirsade”
Ereyada: Baashe Waraabe-cadde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

21.Heesta “Boosta” Ama “Haddaad ruux is barateen”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Saynab Cige Maxamed

22.Heesta “Si yar maw shushubiseen”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Aamina Cabdilaahi Xirsi

23.Heesta “Deeqaha ilaahay”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Tiriig xashi iyo Gacayte .

24.Heesta “Jaallahaa walaal”
Ereyada: Maxammed A. Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Axmed Mooge iyo Sahra Siyaad

25.Heesta “Daruuraha hillaaciyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale

26.Heesta “Waatan lay danqaabee”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sacaadda Allaale

27.Heesta “Kuu sheekeeye kaa sheekeeye”
Ereyada: Boon Xirsi Cadib
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Aamina Cabdillaahi

28.Heesta Duni wada halawsan”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacyte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo Gacayte

29.Heesta “Ma ragaadin taladee”
Ereyada: maxamed A Dacar
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Sahra Axmed Jaamac

30.Heesta “Sixir jacayl”
Ereyada: Maxammed C. Huryo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Faadumo C. Maandeeq iyo Gacayte

31.Heeata “Nafta ruux ku daabacan”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Guduudo Carwo

32.Heesta “Taladaan la ruugin”
Ereyada: Xuseen Aw Faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Tubeec iyo Maryan Mursal

33.Heesta “Jacayl waa hanqaaree”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aadan Hurre iyo Sahra Axmed

34.Heesta “Maalmaha illaahay”
Ereyada: Cismaan A. Askari
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Busi iyo Haldhaa

35.Heesta “Ahlan washlan daahir”
Ereyada: Xuseen Aw faarax Dubbed
Laxanka: Axmed Gacayte
Talantaali: Diidan, Gacayte iyo Gaasira

36.Heesta “Gocomaha ha ii jarin”
Ereyada: Cismaan Cumar Canbuur
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Sahra-Yar iyo Gacaye

37.Heesta “Miyaan xalayto jiifsaday”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Talantaali: Aamina Cabdillaahi iyo C-Diiriye Sooraan

38.Heesta “Umaleey jacayl”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

39.Heesta “Isoo leged jacaylkii”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

40.Heesta “Male’male adduunyadu”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

41.Heesta “Sida laba cadaawe ah”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

42.Heesta “Meel mayay heloo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmex Gacayte Yuusuf

43.Heesta “Dulmiga caashaqa ka daa”
Ereyada: Maxammuud C. Tuunyo
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

44.Heesta “Cirka maalinweyntiyo”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

45.Heesta “Orod orod hay iman”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

46.Heesta “Dhagarqabe abeesiyo”
Ereyada: Jaamac Cabdi Seed
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

47.Heesta “Yoondheere daad maray”
Ereyada: Cismaan Cumar Xirsi
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

48.Heesta “Qaad hilinka”
Ereyada: Cabdi Qays
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

49.Heesta “Badnidaa habeenyahow”
Ereyada: Cabdi Iidaam Faarax
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

50.Heesta “Inaan wali ku jecelahay”
Ereyada: Axmed S. Bidde
Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf
Luuqda: Axmed Gacayte Yuusuf

Xigasho: Kablallax Dhagacadde