“”Abiy Ahmed wuu diiday inuu la kulmo Xasan Sheekh” Mustafe Qodax

Hargeysa-(Qaran news)-Siyaasi Mustafe Maxamuud Qodax ayaa sheegay in madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii uu ula kulmi lahaa hoggaamiyaha dawladda Itoobiya Dr Abiy Axmed.

“Saddex cisho ka hor waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya isku dayey in uu nayroobi kula kulmo raysalwasaaraha itoobiya, balse Abey Axmed ayaa diiday , waxa uu Xasan sheekh dariiq walba la taagan yahay dhul iyo bad baanu idin siinaynaa ee heshiiska Somaliland ka noqda” ayuu yidhi

Qodax ayaa xusay in heshiishka badda ee Somaliland iyo Itoobiya uu maskax guur ku riday cid walba oo cadow ku ah Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan dalalka Soomaalida ee la dariska ah dalkeena waxana uu yidhi ”baddeena iyo hawadeena inaga u talinayna , dhaqdhaaqyada dadka kale ee Soomaaliyeed waddaan waxa weeye anaga idin talinayna ee ma tashan kartaan taasna yeeli mayno, qiimaha heshiiska waxa aad ku garanaysaa intii heshiisku soo baxay waxa cadowgeenu ku dhacay maskax guur.