“Ma jirto wax dib-u-heshiisiin ah, meesha beelo ishayaa ma joogaan. Balse waxaa laga wada hadlayaa sidii loo kala guran lahaa”
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL
Hargeysa()-Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe oo u jawaabay Wasiirka Warfaafinta Somaaliya ee sheegay shirka Jabuuti in lagu heshiisinayo Somaliland Iyo Soomaliya ayaa yidhi,
“Wasiirka Warfaafinta Soomaliya, waxaa uu been cad ka sheegay hannaanka wada hadalada u furmay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaliya. Ma jirto wax dib-u-heshiisiin ah, meesha beelo ishayaa ma joogaan. Balse waxaa laga wada hadlayaa sidii loo kala guran lahaa iyo nidaamkii lagu kala guuri lahaa.
Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeedu marnaba gorgortan ka geli maayaan madax banaanida Dawladnimo, madax banaanida dhuleed iyo Qarannimada Dalkooda-toona.
Hadaba qoraalka uu qoray Wasiirka Warfaafinta Soomaliya waa ma jaro habaabin iyo been uu u sheegayo dadka shacabka ah ee ay wakiilka ka yihiin oo ay ka qarinayaan xaqiiqda jirta.”