Agaasimaha guud ee Machadka Shaqaalaha dawladda mudane Maxamuud Siciid Cadaad ayaa safar shaqo ku gaadhay gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera safarka agaasimaha waxaa ku wehelinayay agaasime-ku-xigeenka Machadka, Abdikadir Kaamil.

Agaasimaha gobollada Bari, Sakariye Sumuni Masuuliyiinta Machadku waxay kulamo muhiim ah la qaateen maamulka Gobolka Saaxil iyo masuuliyiinta dekedda Berbera, halkaas oo lagaga wada hadlay dardar-gelinta hawlaha shaqo ee Machadka, kor u qaadista tababarrada shaqaalaha dawladdu, iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha dowladda ee heer gobol.

Safarkan shaqo waxa uu qayb ka yahay dadaalka Machadka Shaqaalaha Dawladda ee ku saabsan tayeynta shaqaalaha qaranka iyo gaadhsiinta adeegyadiisa tababarka gobollada dalka oo dhan.