Ambassador Cabdifatax oo Booqasho ugu Tagay Macalinkiisi Siyaasadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan…
Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Riyaale kaahin oo shalay kusoo laabtay dalka, una yimi ka qaybgalka caleemo-saarka Madaxweyne Cusub ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro.
kulanka dhexmaray Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, ayay labada masuul waqti badan ka wada sheekeysteen taariikhdii iyo marxaladihii ay soo wada-mareen iyo weliba Somaliland waqtiyada adkaa ee ay kasoo gudubtay.
Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin iyo Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa ahaa saaxibo aad isugu dhow, waxanu Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed kamid ahaa Masuuliyiintii u magacaabay Madaxweyne Riyaale.
2004-tii ayuu Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin u magacaabay Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed April xidhiidhiyaha jaaliyadaha yurub ee Somaliland sidoo kale Safiirka Somaliland u Fadhiya Erland.
Geesta kale, Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa shalay Gurigiisa booqasho ugu tagay Gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay waqti badan ku qaateen halka, iyagoo iska xaal-waraystay arrimo badan oo ay kamid yihiin xilliyadii kala duwana ee ay Somaliland soo martay.