Baanka Somaliland iyo Baanka Adduunka (The World Bank) oo si wadajir ah u shaaciyey dhaqangelinta Mashruuca SPRING.

Guddoomiyaha Baanka Somaliland Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi iyo wafdi ka socda Baanka Adduunka (The World Bank) oo ay hogaaminayeen Mr. Sameer Goyal kuna wehelinaysay Binu Malhotra ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay dhaqangelinta Mashruuca SPRING, kaasi oo Baanka Adduunku ku taageerayo Baanka Somaliland si loo dardargeliyo qorshayaasha casriyeynta iyo horumarinta Baanka Somaliland.

Kullanka shaacinta mashruuca waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka baanka Somaliland Mudane Hamse Cabdiraxmaan Khayre, Agaasimaha Guud ee baanka Mudane Yaasin Jaamac Axmed, Xidhiidhiyaha mashruuca SPRING mudane Maxamuud Cumar Xuseen iyo saraakiil ka tirsan Baanka Somaliland.

Mashruuca SPRING oo ah mashruuc uu maalgelinayo Baanka Adduunku, ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo koboca dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo adkaynta nidaamyada maaliyadeed ee Somaliland. Mashruucan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonaa hirgelinta dib-u-habaynta (Reforms-ka) ka socda Baanka Somaliland isaga oo gacan ka geysan doona dhismaha Bangi Dhexe oo casri ah, isla markaana la jaanqaadaya heerarka iyo habraacyada caalamiga ah. Mashruucu waxa uu si gaar ah diiradda u saari doonaa horumarinta shuruucda iyo siyaasadaha maaliyadeed, tiknoolajiyadda, iyo kor u qaadidda helitaanka adeegyada maaliyadeed (Financial inclusion).

Guddoomiyaha Baanka Somaliland ayaa uga mahadceliyey Baanka Adduunka (The World Bank) taageerada joogtada ah iyo iskaashiga dhow ee uu la leeyahay Baanka Somaliland, isaga oo xusay in Mashruuca SPRING uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta, casriyeynta iyo xoojinta awoodda Baanka Somaliland, taasi oo saldhig u noqon doonta horumarinta iyo adkaynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.