
Bariga Afrika waa suuq istaraatiiji ah oo fursad ballaadhan u haya horumarinta warshadaha kalluumaysiga ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo maalgashadayaasha gudaha iyo dibeddaba, si gaar ah kuwa dalka aynu jaalka noqonay ee Israel oo soo wajahan sidda Madaxweynuhu sheegay.
Gobolku waxa uu sannad kasta isticmaalaa ku dhawaad 1.3 milyan oo tan oo kalluun ah, hase yeeshee wax-soo-saarka gudaha ayaan daboolin baahida sii kordhaysa. Sida lagu sheegay Gatsby Africa, waxa jira farqi u dhexeeya 200,000 ilaa 600,000 oo tan oo kalluun ah sannadkii, taas oo sababtay in dalalka Bariga Afrika ay dibadda uga soo dejiyaan kalluun iyo wax-soo-saarkiisa qiimahoodu gaadhayo US$220 ilaa US$360 milyan sannad kasta. Waxa ay inta badan ka keena Shiinaha, Hindiya, Fiitnaam, Cumaan iyo Pakistan, inkasta oo Jamhuuriyadda Somaliland juqraafi ahaan uga dhowdahay suuqyadaas.
Jamhuuriyadda Somaliland, oo leh mid ka mid ah xeebaha ugu dheer Afrika, khayraad badeed oo hodan ah iyo goob juqraafiyeed istaraatiiji ah, waxay leedahay awood ay ku noqoto xarun muhiim u ah wax-soo-saarka, farsamaynta iyo dhoofinta kalluunka ee gobolka.
Maalgashiga lagu sameeyo maraakiib kalluumaysi oo casri ah, xarumaha qaboojinta (cold chain), wershadaha farsamaynta kalluunka, iyo deked casri ah oo si gaar ah ugu adeegta dhoofinta kalluunka, waxa uu Somaliland u suurtagelin karaa inay hesho qayb muuqata oo ka mid ah suuqan goboleed. Taasi waxay horseedi kartaa koboc ku yimaadda dhoofinta, soo gelidda lacagta qalaad, abuurista kumannaan fursadood oo shaqo, kobcinta warshadaha ku xidhan kalluumaysiga, iyo xoojinta dhaqaalaha bulshooyinka xeebaha.
Fursad weyn ayaa u bannaan maal-gashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Maalgashiga lagu sameeyo silsiladda qiimaha kalluumaysiga ee Somaliland maanta, waxa uu siinayaa fursad lagu galo suuq goboleed oo qiimihiisu gaadhayo boqolaal milyan oo doollar, iyadoo Somaliland ay leedahay marin badeed istaraatiiji ah oo si toos ah ugu xidhan Bariga Afrika, Gacanka Carabta iyo suuqyada caalamka.
Waqtigii laga faa’iidaysan lahaa khayraadka badda Somaliland si loogu beddelo warshad dhoofin oo tartan caalami ah leh waa maanta.
Abdirashid Ibrahim Abdirahman





