Hargeysa(Qaran news)- Col. Siciid Caare ayaa sheegay in beesha Garxajus aan looga fadhiyin jabhadeyn, wuxuuna ku baaqay in dhalunyarada saaran buurta Gacan Libaax ay ka soo degaan.
Col Caare oo ka hadlayey xaflad lagu caleemo saarayay suldaan cusub, ayaa sheegay in beesha Gaxajis aanay aqoonin baryada.
Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland oo ay cod uga marti yihiin ay sooryeyn doonto am ka seexan doonto.
Wuxuu waxgaradka Garxajis u soo jeediyay inay midoobaan, isla markaana gobolka Awdal iyo gobol kasta oo reer Somaliland ah ay codka weydiistaan.
Sidoo kale Col Caare wuxuu Madaxweynaha Somaliland ku booriyay inuu sanduuqa dhulka dhigo oo la qabto doorashooyinka.
Waxana uu xoogaa saaray in nabad iyo midnimo Somaliland ah wax lagu doono