Somaliland: Boggii Facebook ee Baanka Dhaxe ee Somaliland oo lahaa calaamada buluuga Ah ee Aqoonsiga rasnimada lahaanshiyaha ee (Verification),- ka ayaa budhcad jabsatay maanta iyagoo soo geliyay Sawiro.
Boggan ayaa noqonaya Kii saddexaad ee calaamada buluuga ah ee Verified-ka leh ee la jabsado, Sidoo kalena Bogga Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera oon lahayn calaamada Verified-ka ayaa tirada ka dhigaya guud ahaan boggii Afaraad ee Hay’addaha Dawlada Somaliland leeyihiin ee la jabsado.
Wasaarada Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland ayaa u muuqata mid ku guuldaraystay inuu ka hortag u noqdo tababarkii ay siisay dabayaaqadii sanadka hore hawlwadeenada gacanta ku haya boggaga laamaha Dawlada oo ku saabsana sida looga hortago budhcada Internetka iyo in La jabsado boggaga dawladu ku leedahay Internet-ka oo socday labba maalmood taas oo ay sheegtay wasaaradu wakhtigaas inay ka hortag u noqonayso weerarada budhcada Internet-ku ku soo qaadayso boggaga Hay’addaha Dawlada Somaliland balse maanta la jabsaday bogg kale oo leh calaamada Verified-ka.
Wasaarada oo hore warbaahinta qaarkood sheegen inay lacag ku siiso dad dalka dibadiisa jooga in calaamadasi ay yeeshan boggaga ay leeyihiin Madaxda sare ee Qaranka iyo Hay’addaha kala duwan ee dawladu marna ma sheegin sababta ka hor taagan inay soo celiyaan boggagan keedu ka mid yahay.
Sanadkii Hore budhcad jabsatay Bogga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa maalmo kooban lagu guulaystay in lagaga soo celiyo, Halka Somaliland ilaa Hada Afar bogg oo la jabsaday wasaarada ku shaqada lehi soo celin kari ladahay.
May be an image of 1 person and text that says 'DAANKA SOMALILAND SOMALILAND :G Baanka Dhexe JSL S 8Kfollowers. 31following Message Following Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo iknoolajiyadda followers 204fo ollowing Berbera Oil Terminal Kfollowers folliowing Following MINISTRY OF INFORMATION AND COMMUNICATIO CHNOLOGY CYBER WARFARE DEFENSE & ATTAC GOVERNMENT ICT OEELC INAR FI A unique seminar to introdi Officials with the worl 30th Nov- Dec- 2022'