Booliska Hargeysa oo Saddex Nin iyo Gaadhi ka soo Badbaadiyay Dooxa Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)- Ciidanka Booliska qaybta galbeedka Hargeysa ayaa caawa saddex qof iyo gaadhi VITZ dooxa Hargeysa oo daadkii ka soo rogmayday labada gabi uu marayay.

Sarkaalka ciidanka Booliska qaybta galbeed heeganka ugu jiray, ayaa sheegay in baabuurkaasi oo ay saaraayeen saddex nin oo midi dirawalkii ahaa isla markii uu doixa soo galay uu la kulmay mowjadii daadka taasi qaaday markiiba hase ahaatee ay ciidanka Boolisku markiiba ka soo badbaadiyeen saddexdii ruux oo bedqaba.

Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in waxyar kadibna gaadhi ay ka reebeen.

“Waxa aan sheegayaa in markii saddexdii nin laga reebay daadkii uu dirawalkii gaadhiga lexjeclo qabatay oo uu damcay inuu dib ugu noqdo daadka si uu gaadhiga ugala soo helo. Hase ahaatee ciidanka boolisku ay xoog ku hayeen ninkaas,” ayuu yidhi sarkaalku.

Waxa kaloo uu dirawalada gaadiidka ku booriyay in aanay xiliga daadku socdo aanay isku biimeyn dooxa iyo laagaha magaalada.