Boorama : Weriye iyo Dhalinyaro xabsiga loo taxaabay Sacadihii ugu dambeeyey.

Waxa soo baxayey hadal hayn ka dhalatay in saacadihii ugu dambeyey xabsiga loo taxaabay Weriye Cali Ismaaciil Aare ( Cali Waaheen ) iyo dhalinyaro kale oo ka mida dhalinta ku nool Boorama .
Xadhigan loo geystay shacabkan ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili xaalada gobolka Awdal aad indhaha loogu hayo, waxana magaalada Boorama ku sugan maalmihii ugu dambeyey xilsidayaasha Xukuumada Soomaaliland kaga jira gobolka Awdal oo u badan wasiiro iyo masuuliyiin kale .
Xildhibaan Axmed Cali Xadi oo ka mida golaha deegaanka Boorama oo la hadlay warbaahinta waxa xukuumada Soomaaliland ugu baaqay in ay daawayso dadkii ku dhaawacmay mudaharaadyadii Boorama ka dhacay oo todobaadkii hore oo tiradoodu dhantahey Sideed .
Masuuliyiinta Soomaaliland ee gobolka Awdal iyo laamaha Amaanku , Wali wax faahfaahina kama bixin xadhigan loo geystay qaar ka mida shacabka Boorama. Waxa horay jeelka hoose Boorama loogu taxaabay ku dhawaad ku todobaatan dhalinyaro ah oo lagu qabtay mudaharaadyadii dhacay todobaadkii hore .