Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan ay albaabadu u xidhanyihiin ku yeeshay madaxtooyada Somaliland, kulankani oo uu marti galiyay madaxweyne Muuse Biixi ayaa wali socda.

Lama oga ilaa hada wax uu kulankni ku saabsanyahay hase ahaatee warar ay heshay shabakada qarannews.com ayaa sheegàya in madaxweyne Muuse uu marti galiyay kdib markii uu Cabdiraxmaan Cirro ku guulaystay doirashadii Arbacadii dalka ka dhacday.

Waxana ay wararku sheegayaan in gudiga doorashooyinku ay bari ku dhawaaqi doonaan natiijada doorashadii oo ay cid walba ku qanacsantahay.