Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa maanta u kala dirtey gobollada dalka buugaagta manhajka waxbarashada dadban kuwaas oo loo qaybin doono dugsiyada leh waxbarashadda degdega ah ee Afka qalaad loo yaqaan (ABE).
Qaybinta buugtan oo ku soo aadeysa xili ay si weyn ugu baahnaayeen dusiyadan bixiya Waxbarashada manhadka ABE-ga kuwaasi oo ah buugaagtii macalinku wax kadhigi lahaa iyo kii ardeygu waxka baran la haaba.
Ugu danbeyn Wasaaradda Waxbarashada Somaliland waxa faraysaa gudoomiyeyaasha gobolada iyo degmooyinka ee waxbarashadda in marka buugtaasi soo gaadho ay u qaybiyaan iskuulada leh ABE ga sida ku cad lifaaqa uu kula wareego buugta ee uu u dhiibo masuulka ka socda wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, sidoo kale gudoomiyayaasha ayaa loogu baahan yahay in ay faraan maamulayaasha in buugtaa loo qaybiyo ardeyda loogu talo galay.