
CAALAMKAN HORUUMARAY WAXAY HALKAAS KU GAADHEEN CASHUURBIXINTA DADKOODA.
Dawladaha horuumaray dhidibada ay ku taaganyihiin waa cashuurta oo ay dadkeedu fahmeen bixinteedu inay tahay noloshooda.
Waxaynu jecelnay inaynu horuumarno oo aynu dawlad adag noqonno, tiirkii u adakaa ee laga midho dhalin lahaana waa cashuuraha kala duwan oo si fiican loo bixiyo, taasina ma jirto.
Waxay dadkeennu caado u leeyihiin inay cashuurta xadaan oo ay laaluushaan cashuur bixiyaha taasina waa xaaraan oo qiyaamaha waalla weydiinayaa Ciddii gashay.
Ganacsatadu ma bixiyaan INCOME TAX waana arrin waxtar ah oo ay tahay waaxyaha dawladda ee cashuurta qaadaa inay habeeyaan iyagoo u eegaya awoodda dadka.
Dhawlad bilaa dhaqaale ahi waa gaadhi bilaa baasiin ah.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.





