



Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran oo uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna Guddoomiyaha Guddida, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta Wakiilka Dawladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland, Mudane Dr. Cabdalla Al Naqbi ka guddoomay deeq raashin mucaawino hor-dhac ah oo xaddigiisu dhan yahay 9,000 oo qoys, kaasi oo loogu talo galay taakuleynta dadka reer Somaliland ee ay Abaaruhu ku habsadeen.
Guddidu waxa ay Wakiilka uga mahad naqeen deeqda ay soo gaadhsiiyeen bulshada Somaliland ee ku tabaaloobay Abaaraha.
Sidoo kale, Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran waxa ay deeq lacag ah oo dhan 120,000,000 SHSL (boqol iyo labaatan Milyan SHSL) ka guddoomeen Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cabdinasir Axmed Xirsi. Lacagtan waxa Gurmadka Abaaraha ku deeqay Shaqaalaha Baanka Somaliland, tallaabadani oo ah mid ku dayasho mudan.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ),
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐





