Duqa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa Cabdikariim Axmed (Mooge) iyo Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun, oo dad badan oo taageerayaal ah ku leh baraha bulshada oo ay kasbadeen wakhtigii ololaha doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Somaliland sanadkii 2021-kii ayaa hadalo ay isku mariyeen baraha bulshadu kuwada xidhiidho siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Labadaan nin ayaa olahoodu ahaa mid ka duwan kuwii Xildhibaannada kale oo dhinaca reerha iyo deegaamaysiga salka ku hayey, madaama dhalinyarnimo iyo waxqabad ay ku ololayeen, taas oo ay ku kasbadeen taageerayaal badan oo rag iyo haween isugu jira.

Codadka ugu badan ayey labadoodaba ka heleen beelo aan kuwooda ahayn.

Labadan nin oo ah siyaasiyiinta bulsho kasbadka ah ayaa dad badan siyaabo kala duwan u dhaliila.

Cabdikariin Axmed Mooge ayaa lagu dhaliilaa inuu tahay masuul aan jecelayn dhaliisha loo jeediyo, isaga oo markaba baraha bulshada kaga jawaaba ama warbaahinta, halka dad qaar ay fal celinta qoraalkiisa ay sheegeen inuu iska xanibbo (block-saaro).

Barkhad Batuun laftiisa ayaa dadka dhaliilaa ku tilmaamaan nin isku daya inuu ka faa’iidaysto dhacdooyinka taagan, isaga oo Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye si weyn u dhaliila, waxaana lagu tilmaamaa inuu dadka dareenkooda ka faa’iidaysto, si uu taageero uga helo.

Labadaan masuul oo saaxiib isu dhaw ahaa ayaa hadalo ay isakaga soo horjeedaan baraha bulshada isu maarinaayay maalmahii ugu danbaysay, arrinta ayaase bilaabatay ka dib markii Maayarka Hargeysa, uu dhawaan soo saaray amarka ganacsatada yaryar ee jidadka Suuqa waaheen la dul dhigay in ay halkaas kaga guuraan ilaa bishan May 1-deeda. Taasoo dadkan mudaharaad ay arrintaas kaga soo horjeeda ay sameeyeen Khamiistii shalay.

Arrintaan dadka looga raraayo ganacsatada yaryar ee deggan jidadka suuqa Waaheen looga raraayo waxaa si adag uga soo horjeedsaday Xildhibaan Barkhad Jaamac Baatuun, isaga oo sheegay in dhaliisa Cabdikariim marna isagu uusan difaacayn waxuu sidoo kale xusay isagu in uu danyarta u hadlaayo.

Cabdikariim Axmed Mooge ayaa markii loo doortay duqnimada Hargeysa ballan qaaday qodobo waaweyn oo ay ka mid yihiin Cadaaladda Shacabka, Qurxinta Bilicda Hargeysa, helidda biyo nadiif ah iyo koronto iyo iskuulo, iyo sidoo kale ilaalinta hantida shacabka Soomaaliland. Cabdikariim oo ka falcelinaya dhaliilaha loo jeedinaayo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook sidaan u dhigay.

“Shacabku wey kala yaqaanaan siyaasiga khatallaya, si uu ugu gaadho dano uu leeyahay isaga oo ka ganacsanayaa dareenkooda iyo ka habeen iyo maalinba u taagan dantooda, horumarkooda ee u diyaara in uu la fadhiisto maqlo dareenkooda, dhagaysto cabshooyinkooda si uu wax uga qabto. Wax kacdoon ah oo Hargeysa ka dhacayaana ma jiro, DHH iyo shacabkeedu wey ka wada hadlayaan arimaha taagan ee furitaanka wadooyinka Suuqa-Waaheen, si aan uga taxadarno in mar kale masiibadii/dabka Waheen oo kale inagu soo noqoto.”

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo qeexaya siduu uga soo horjeedo go’aanka duqa magaalada Hargeysa soojeediyay ee ah in ay kaga guuraan suuqa ayaa sheegay in talaabadani tahay mid ka baxsan milgaha iyo sharafta dowladnimo isaga oo saxaafadda kula hadlaya magaalada Hargeysa.

Labada nin ee saaxiibada ku ahaa siyaasadda ayey hadda u muuqataa inay ku kala boodeen qaddiiyad caam ah oo mid kasta uu u arko inuu isagu ku saxsan yahay, Laakinse ismaandhaafkaas ma noqon doonaa mid xaaladda taagan ku ekaada?