Doorashadii shalay dhacday ayaa ilaa hada isu gaynteeda iyo hubinteeda la wadaa waxana marka la eego badiba dalka oo dhan tirada guud marka la isu geeyo ku horeeya oo hogaaminaaya musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.

Waxa dhawaan la shaacin doonaa tirooyinka hordhaca ah ee natiijada goob kasta oo laga codeeyay oo sax ah waxana awoodaasi iska leh gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland.

Dalku waxa uu u baahanyahay midnimo iyo walaalnimo iyo in marblabaad Somaliland la gaadhsiiyo oo la dhaafiyo xagii ay joogi jirtay.

La soco wararka wixii ka soo kordha