Cabdirisaaq Khaliif oo dagaal Afka ah ku soo qaaday Somaliland
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed ee dhawaan ku biiray falaagada Laascaanood ayaa xalay weerarkii u horreeyay ee afka ku soo qaaday Somaliland.
Cabdirisaaq Khaliif oo xalay ka hadlayey xaflad lagu xusayey 1da July, oo lagu qabtay Garoowe, ayaa ku baaqay in ciidamada laga saaro Laascasnood.
“Waxaan leeyahay inamada dhallinyarada ah ee aad keentay Laascaanood aad dhulkoodii dib loogu celiyo. Waxaan u arkaa inaad maydkoodii soo fogeyseen,” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif, waxaanu ku dooday in sannadka soo socda munaasibada 1da July lagu qaban doono Laascaanood.
Waa markii u horreysay ee Cabdirisaaq Khaliif soo naqdiyo Somaliland tan iyo markii uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kadib markii lagu soo eedeeyay inuu khiyaamo qaran ka galay JSL oo uu la saftay huwanta dagaalka ka riday Laascaanood.
Mr.Khaliif wuxuu ku celiyay mar kale eediisii ahayd inay Somaliland duqeysay magaalada Laascaanood.