Cadhada & Dhaleeceynta ka dhalatay wasiir Israa’iili ah oo booqday Masjidka Al-Aqsa
Dalal badan oo Carbeed oo ay kamid yihiin Sacuudiga, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo gayiga Falastiin ayaa si kulul u dhaleeceeyay wasiirka midigta-fog ee Israa’iil Atamar Bengweir oo booqasho ku tagay masaajidka barakeysan Al-Aqsa ee ku yaalla magaalada Qudus.
Wasiirka amniga ee Israa’iil, Atamar Ben Gewer ayaa shalay booqday Masjidka Al-Aqsa, iyadoo ammaanka si weyn loo adkeeyay.
Atamar Bin Guwer ayaa maalmo ka hor loo dhaariyay xilka markii uu dhawaan talada qabtay Ra’iisal wasaare Netanyahu.
Goobta uu masaajidka ku yaallo ee magaaalada Qudus waa meesha ugu muranka dheer caalamka tan iyo sanadkii 1967 xilligaas oo Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus oo ay ka mid tahay qeybta qadiimiga ah ee magaalada.
Masaajidka Al-Aqsa wuxuu kamid yahay goobaha barakeysan ee Muslimiinta halka Yuhuudda uu u yahay meel barakeysan oo ay u yaqaannaan (Temple Mount).
“Waa aag ay leeyihiin Falastiiniyiinta, Carabta iyo Muslimiinta”
Falastiiniyiinta ayaa si kulul u cambaareeyay booqashadii wasiirka Israa’iil uu ku tagay masjidka Al-Aqsa, iyagoo booqashadiisa ku tilmaamay ‘daandaansi halis ah oo sii hurinaya colaadda.
Ra’iisul wasaaraha Falastiin Maxamed Ashtia ayaa booqashada Atamar Bin Guerr ee masjidka ku sheegay inay tahay tallaabo “xadgudub ku ah dhammaan mabaadii’da, qiyamka, xeerarka caalamiga ah, sharciyada iyo ballanqaadyada Israa’iil.”
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, afhayeen u hadlay ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa booqashadiisa ku tilmaamay arrin “dambi ah” isagoo wacad ku maray in aaggaas uu sii ahaan doono dhul ay leeyihiin “Falastiiniyiinta, Carabta iyo Islaamka”.
Ben Gower ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray fariin uu u diray Xamaas isaga oo yiri “Ma jirto dawlad Israa’iil ah oo aan ka tirsanahay oo u hoggaansami doonto urur argagixiso”.
Waxaa kale oo uu Twitter-ka soo dhigay “Haddii Xamaas ay u malaynayso in hanjabaaddooda ay wax iga joojineyso, waxay u baahan yihiin inay ogaadaan in waqtiga uu isbeddelay oo ay hadda dawlad ka jirto Quddus”.
Falcelinta dalalka Islaamka
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan, Bilawal Bhutto ayaa dhaleeceeyay booqashada wasiirka amniga ee Israa’iil ee Al-Aqasa, wuxuu yiri “Pakistan si adag ayay u cambaareynaysaa booqashadii aan dareenka lahayn ee daandaansiga ahayd ee uu wasiirka Israa’iil ku tagay Masjidka Al-Aqsa.”
Dhinaca kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa iyaduna dhaleeceysay socdaalka wasiirka oo ay ku tilmaantay mid xaaladda hurin kara.
Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in tallaabadan uu qaaday wasiirka amniga ee Israa’iil ay tahay arrin caqabad ku ah dadaallada nabadeed ee caalamiga ah, isla markaana ka hor imaanaysa xeerarka caalamiga ah ee la xiriira diimaha.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Iiraan oo ka falcelinayay booqashadan ayaa sheegay in booqashada wasiirka uu ku tegay goobaha barakeysan ee Falastiin oo uu kamid yahay Masjidka Al-Aqsa ay tahay arrin xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah oo meel ka dhac ku ah qiyamka Muslimiinta.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku baaqay ‘in la joojiyo falalka halista ee daandaansiga ah’ ee ka dhanka ah masjidka Al-Aqsa.
Pakistan strongly condemns the insensitive and provocative visit of Israeli Minister of National Security to the Holy Al-Aqsa Mosque compound. https://t.co/jzJwovj4Sm
— BilawalBhuttoZardari (@BBhuttoZardari) January 4, 2023
Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale ka codsaday maamulka Israa’iil inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda gobolka.