Cadowgeena waa ka guulaysan doonaa…” ayuu maalin dhaweyd Ex Sheekh Samaale ka yidhi meel fagaare ah. Maalin dhaweyd na, waxa aan dhegaystay hadal dheer oo uu whatsapp group ku duubay nin la gu magacaabo Ibraahin Meecaad oo Canada jooga. Ninkaas oo magaciisa ka horaysiiya title ah ‘Professor’, war badan oo uu sii daayay waxa ka mid ahayd, Muusoow talo haddii aad qaadanayso, doorashadaas inaga jooji oo waddanka ku soo rog xukun ciidan – Marcial Law. Prof ku waxa uu yidhi, koleyba dagaal ayay kuu tahay ee waxa fudud in aad imika qabqabatid shakhsiyaadka fidmo walayaasha ah ee doorashada ku dhex dhuumanaaya, oo ah cadowga gudaha; waxaanu tilmaamay saddex dhinac – madaxda Waddani, ganacsato uu ka mid yahay Dahabshiil iyo koox uu ku sheegay wadaaddo. “…Waa saddexda dhinac ee SL ay ka nuuxsan weyday.” Buu yidhi Prof ku.

U fiirso, Cadowgeena waa ka adkaanaynaa; iyo doorashada albaabkeeda soo xid, oo cadowga qabqabo marka hore. Labada hadal waxa sheegay laba qof oo aqoon aduunyo iyo mid diineed ba sheeganaaya, amma la gu sheego. Labadoodaba warkooda waxa ku dhex jirtay kalmadda cadow! Aqooneey waxba ha tarin, kol haddii ay dadkaas oo kale ba ku sheeganayaan, in markan oo kale la dhaho saw waajib ma aha? Alaylehe waa tahay.

Geesta kale, hadalada kuwaas ahi waxa ay muujinayaan hal xaqiiqo – in nidaamkii jiray, ee qayb muuqata iyo qayb qarsoon ba lahaa, uu si dhab ah u ciiray, cabsi xoog lihi na soo food saartay. Marka cabsi dhab ahi jirto, macquul u fikirka, iyo macquul u hadalku ba aad ayay u wiiqmaan. Si kastaba, shakhsiyaadkaas iyo cidda la fikir ahba ciddii war la gaadhi kartaa ha u sheegto in aanay cadow iyo cabsiyi toona jirin. Ha loo gu dhaarto haddii ay rumaysan waayaan.

MaxamedbHaaruun Biixi