CALI SICIID REER XAAJI SAALAX CABASHADOODA OODWEYNE HOOS HALLOO EEGO.

Waxaan warbaahinta ka daawaday maayarkii oodweyne oo tirsanaya in laysugu tegay LA MUQUUNIYAY oo mooshin xilkii lagaga qaaday arrinkaas oo u cuntamiwaayay umadda reer somaliland inta aqoonta u leh oodweyne iyo dhaqamada Habaryoonis.

Qabiilka cali siciid waa jifo (ardaa) ka mida Habaryoonis oo leh maamuus gaar ah oo lagu xasuusto, waa ardaa miisaan culus ku leh h. Yoonis oo ay tahay in saamigooda hoos loo eego.

Waxa habboon dadka in taariikhda lagu qaddariyo, waa jifadii muj. Maxamad cali,muj.saleebaan baylot (duuliye sare) Dr. Saleebaan reer xaaji Cabdillaahi shiikh muxumad carab, xaaji axmad qulunbbe iwm oo dhammaantood Habaryoonis iyo isaaqba xusuus kaga tegay, maayarka waxay walaalo ahaayeen mujaahid Cabdillaahi qasaal oo ahaa sarkaal geesi ilaahaya, waxa ka mida khadar ambasador iyo rag la mida oo dalka wax weyn ku soo kordhiyay sidaas awgeed maskabkooda hallagu ixtiraamo.

MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.