CAQLIGII DAWLADDA XAMAR WUXUU ISUGU URURAY MEESHII BED QABTABA DAB AYNU GELINNO SOOMAALI.

Waqti dheer dawladihii xamar ka jiray waxay ku dhamaysteen nabad gelyo xumo ay gamcahooda ku abuureen rajadu way fogtay, waxa amnigeeda gacanta ku haya afar nin oo ajaaniib xalane jooga ah, hadday ka tagaan maalin nabad lagu Wada joogimaayo.
Iyagoo caynkaas ah ayay soomali intii ka bed qabtay dab ku shidayaan waxaan arkayay nin xariif ah oo la yidhaahdo WABAR kaas oo in badan dalka kenada bilaa camal ku ahaa ayaa wuxuu isku soo beegaa waqtiyada xaaladuhu ay qasanyihiin ujeeddadiisuna waa dhaqaale doon shaqsiya xamar kama ilbaxdo wabare waxoogaa kharash ah ayay ku siisaa si u buuq uga rido boorama oo ah mulkiilaha koobaad ee Somaliland.
Waxa wax laga yaqyaqsoodo ah laascaanood caynkay ka dhigeen oo ay weliba ku faraxsanyihiin, waar illayn adhi shugux shugux kama ilbaxo.
MAHADSANID.
CABDI BACAW.
GUUL ALLE.
LONDON.





