Hargeysa,(Qaran news)-Ciidamo tiro badan oo ku gaashaaman baabuur tikniko ah oo ka soo goostay magaaladda Laascaanood ayaa ku soo biiray ciidamadda Somaliland ee aaga Oog halkaasi oo aad loogu soo dhaweeyay[/retweet]

Ma aha ciidamadani kuwii ugu horeeyqy ee ka soo goostay magaaladda Laascaanood ee xarunta bariga Sool, se waxa hore u jiray tiraba lama jeer in ay ciidamo ka soo goostay Laascaanood tan iyo bishii ina soo dhaaftay.

Mar ay saraakiisha ciidanka qaranka ee Somaliland ee ku sugan aaga Oog ay ka hadleen ciidamada soo goostay waxa ay sheegeen in ay dadkoodii iyo dalkoodii ku soo noqdeen.

Dhanka kale waxa jira wada hadalo u socda xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro iyo siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda bariga Sool oo hada ku sugan magaaladda Hargeisa ee Caasimadda Somaliland.

Waxa iyana jirta in dadka shicibka ah ee ka soo jeeda bariga Sool ay hada aad ugu soo badanyaan magaalooyinka Somaliland siiba magaaladda Hargeysa oo ah xarunta Somaliland oo ay ka jirto amaan horumar iyo wada noolaansho.