Ciidanka Booliska oo Beeniyay War uu Baahiyay TVga HCTV

Hargeysa(Qaran news)- Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu caddaynayaa inuu been abuur yahay muuqaal uu faafiyay Telefishinka Horn Cable TV taariikhdu markii ay ahayd 24-3-2024 kaasi oo ku Xadgudbay Ciidamada Booliska, kana faafiyay muuqaal uu u adeegsaday magaca Ciidanka Booliska, Astaanta Ciidanka iyo cid aan ahayn Ciidanka , waxaanay sheegeen inay caawin iyo adeeg u fidiyeen Ciidamada Booliska , taasi oo ah Xadgudub, sumcad dil , ceebayn iyo waliba daacayad lagu waxyeelaynayo hawlkarinmada ha’ayad qaran oo sharciya.
Sidoo kale waxay ku kaceen waxyaabo ka hor-imanaaya anshaxa guud , xasilloonida dalka iyo xuquuqda aasaasiga ah.

Waxaanay si toosa ugu gafeen qodobka 25 farqadiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobada kale ah 215 Farqadii 1aad , Qod. 383 Farqadiisa 1aad iyo Qod. 328 farqadiisa 1aad ee Xeerka ciqaabta guud.

Ciidanka Booliska JSL , waa Ciidan ku aasaasan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland , una dhisan socodsiinta shuruucda dalka iyo ilaalinta amniga , waxaana reeban in xayaysiis laga dhigto ama daacayado beena laga sheego.

Taliska Ciidanka Booliska JSL , waxa uu Telefishinka Horn Cable TV ku adkaynayaa inay garowshiiyo iyo raaligelin ka bixiyaan muuqaalkaasi ay faafiyeen , kana waantoobaan barnaamijyada meel ka dhaca ku ah Ciidanka Booliska JSL iyo wararka been abuurka ah , haddii ay ka bixiin wayaan waxa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan , dhacdooyinka la yaabka leh ee ay faafinayaan.